Safarada Mareykanka ee Muqdisho oo Ka Hadashay Kulanka Madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

0
90

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn u bogaadisay imaatinka ay madaxweynayaasha Maamulada xubnaha ka ah Federaalka ku yimaadeen caasimadda si loo dhameeyo wadahadallada.

Safaaraddu waxey aaminsan tahay in imaatinka madaxweynayaasha ay tahay wax weyn isla markaana ay ka shaqeyn doonaan dhameynta wadahadalladii socday iyo hirgalinta hab walba oo la isku raaco iney doorashada u dhacdo.

Shirka ay yeelanayaan dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah ayaa baaqday shalay oo Khamiis ah, waxaana la rajeynayaa inuu sabtida furmo inkastoo aan muddeyn rasmi ah la sameyn wali.

Inta badan kulamada ay yeelanayaan madaxda dowlada dhexe iyo kan maamul goboleedyada ma aha mid ku dhaca xiligii loogu tala galay marar badana waxaa soo kala dhex gala isjiid jiid badan taasoo keeneysa in aan la ogeyn xiliga dhabta ah ee uu furmayo shirka.