
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur Yare ayaa ka warbxiyey dil iyo dhaawac ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo uu geystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka.
Guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur Yare oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in marka hore askariga uu toogtay nin ganacsade ah, kadibna rasaas uu furay isaga oo booliska ka cararayana ay ku dhinteen labo qof oo shacab ah iyo dhaawaca qof kale.
Sidoo kale wuxuu magaca askarigaasi oo baxsaday ku sheegay Yaasiin Maxamed Maxamuud, kaas oo darajadiisa ciidan ay tahay kormeere saddexaad.
Wararka ayaa sheegaya in dilka koowaad ee loo geystay ganacsadaha uu salka ku hayo dilal la xiriiro aano Qabiil oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.