
Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Al-Shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.
Waxaa Madaxweynahu uu ku faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.
Axmed Madoobe ayaa Gaba gabadii sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.