Kulanka Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe oo Maalintii Seddexaad ka Socda Magalada Muqdisho

0
92

Magaalada Muqdisho waxa maalintii Saddexaad ka socda shirka madaxda dowladda federaalka ah, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ka arrinsanaya arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in maalinta berri lasoo gabagabeeyo sidda ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxda ku shirsan Madaxtooyadda ayaa inta badan waxa ay ka doodayaan qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb oo wax ka badal lagu sameyn doono.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya Shirka ka socda Muqdisho halka Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ay kor kala socdaan shirka.