
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa shaacisay in Ciidanka Amniga Galmudug ay xalay abaaro saqdii dhexe ku guulaystay In ay gacanta ku soo dhigaan eedeeysane Maxamed Ibraahim Cismaan, 24 jir, kaasoo ku dhuumaalaysanayay guri ku yaalla magaalada Cadaado.
Eedaysane Maxamed Ibraahim ayaa lagu tuhmaayaa inuu ku lug lahaa kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loogu geystay Hotel ku yaalla degmada Waaberi magaalada Muqdisho.
Wasaaradda amniga Galmudug waxey bogaadinaysaa dadaalka ciidamada amniga iyo taageerada ay shacabka Galmudug la Garab taagan yihiin ciidamadooda.