
Deegaan hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka shabelaha dhexe ayaa Dabley hubaysan waxaa ay maanta ku dileey 5 Macalin dugsi oo quraanka halkaasi caruurta ku bari jirey.
Macalimiintaan oo ay ku jiraan labo walaalo ah ayaa la dilay iyagoo ku jiray Subac akhris, lamana oga cidda falkaan ka dambeysay, iyadoo kooxdii dishayna ay baxsadeen.
Dilkooda ayaa kusoo beegmay iyadoo muddo dhowr bilood ah laga joogo markii degmada Balcad lagu dilay 8 dhaqaatiir ah oo howlo caafimaad ka waday gobolka Shabeelada dhexe.
Macalimiinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-
1) Sheekh Daahir Xasan Cali
2) Macalim Maxamuud Canbuure
3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe
4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo
5) Ow Muxumud Xasan Calli