Maddaxweynaha oo Caawa Magacaabay Reysulwasaare Cusub

0
103

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hay’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka.