
Shir ay soo qaban qaabisey iskutaga Ururada Bulshada Rayidka Somaaliyeed, ayaa waxaa looga Hadlay xaalada maanta uu dalka marayo iyo shirka wadahadalada siyaasadeed ee madaxda dowlada federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah dowlada federalka ugu socda Muqdisho.
Shirka waxa aad looga doodey islamarkaasna kasoo qaybgalayasha ay walaac ka muujiyeen sida aysan madaxda ugu xisaabtameynin waqtiga ka harsan xilli sharciyeedka dowlada iyo sida looga baahan yahay in hishiis laga gaaro arimaha doorashooyinka la fllayo 2020/21.

