
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda.
Axmed Madoobe ayaa dhamaan shacabka somaaliyeed ugu baaqay inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed.