
Xisbiga Dan Qaran ee uu hoggaamiyo Musharax Madaxweyne Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorashada oo ay Villa Soomaaliya ku gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Dan-Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in Xisbiga uu niyad wanaag u muujinayo sida looga bogsaday in wax muddo kororsi ah carrabka lagu ballaariyo, sidoo kale uu ka digayo in lala yimaado isku day muddo kororsi si loogla yimaado siyaasad nabdoon oo turxaan la’
