
Hogaamiyaha konfur galbeed soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen aya tan iyo waqtigii la doortay ayu wuxu galayay mowjado siyasaded oo dhan walba ah balse markani aya ah tan mowjaa ugu xun ee uu wajihi doono.
sida an ka soo xiganay ilo ku dhaw lafta gareen ayaa ino xaqiijiyay in ay so food saartay cabsi siyasadeed ka gadaal markii Hogaamiyihii hore maamulka konfur galbeed Shariif Xasan sheekh Aadan u ka dhax wado magalada muqdisho iyo caasimada ku meel gaarka ee maamulka konfur galbeed abaabul siyasadeed oo xoogan kaasoo u ololeynayo sidii loogu wiiqi laha maamulka.
lafta gareen iyo shariif xasan aya ka dhaxesa xurguf siyaasaded oo aad u weyn, abaabulka u wado Shariif Xasan aya ah sidii uu dib ugu noqon laha hogaanka maamulka konfur galbeed isla markaasna uu qadka uga saari lahaa Cabdicasiis Lafta gareen.
Xogta ay heshey Daafeet Media ayaa waxaa ay sheegeysaa in tiro xildhibaano ah oo uu Cabdicasiis usoo eryadey inay gacan saar la lahaayeen Shariif Xasan ay hor boodayaan abaabulka ka dhanka ah Cabdicasiis Lafta gareen.
Xogta ayaa waxaa ay intasi ku dareysaa in maalinta berito ah ay qaarkood tegi doonaan magalada baydhaba ayagoo qaarkood hallkaasi looga kireeyey aqalo ey degaan halka ay kuwa kalana halkaasi horey u degenaayeen, Ayadoo muhiimadodu tahay sidii ay u kala fur furi lahaayeen maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Cabdicasiis.
Cabdicasiis Lafta gareen aya garab ka heystay dowlada waqtigeda sii dhamanaya ee uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo balse markii dambe tuhun soo kala dhex galay Madaxweyne Farmajo iyo lafta gareen shirkii dhusa mareeb2 walow aysan waxba soo kordhineyn qilaafka labada shaqsi.
Cabdicasiis Lafta gareen ayaan wax kalsooni ah ku dhex laheyn bulshada koonfur galbeed tan iyo xiligii isagoo la sido la keenayey magalada baydhabo si loogu dhiibo hogaanka maamulka koonfur galbeed, Taasoo keentey in dad badan ay u dhintaan dad badana loo xer xero ilaa iyo maantana u xeran yihiin.
Masuuliyiinta dowlada federaalka iyo Cabdicasiis lafta gareen ayaa awood u sheegtey xiligaas shacabka koonfur galbeed iyo weliba musharixiintii ugu ad adkaa tartanka hoogaanka reer koonfur galbeed taasoo keentey in xabsi la dhigo Sheekh Mukhtaar Rooboow isagoo ilaa iyo maanta si sharci dara ah ugu xiran dowlada federaalka iyo Cabdicasiis lafta gareen.
Cabdicasiis ayaa waxaa kaloo xurguf siyaasadeed kala dhexeysaa inta badan xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed ee ka tirsan baarlamaanka federaalka taasoo cabdicasii marar badanuu ugu goodiyey in aysan dib usoo laaban doonin marka la gaaro xiliga doorashooyin taasoo la filaayo iney dhacdo horaanta sanadka 2021.
Isku soo wada duub wax garad la,aanta, siyaasad xumida iyo balan xumida Cabdicasiis Lafta gareen ayaa keeneysa in uu yeesho cadow badan oo kala dagaalama dhinaca siyaasada isagoomaanta xaalkiisa joogo in uu hoos fariisto qeyb ka tirsan beesha uu kasoo jeedo isagoo inta kalana ka dhigey wax aan jirin.