Daawo Odayaasha Dhaqanka Beesha Hubeer oo Dacwo Ka Ah Gudoommiyaha Degmada Walaweyn

0
213

Kulan ay isugu yimadeen odayaasha dhaqanka beesha hubeer ee shanta caleemood ayaa waxaa ay kaga hadleen dhacdooyinisdaba joog ah oo beryahan ka dhacayey degmada walawey taasoo ay ugu dambeysey wiiilal dhawaan lagu diley deglada.

Odayaashan ayaa waxaa ay sheegeen in gudoomiyaha degmada Walaweyn Maxamed Siidow uu horboodayo dhibaatooyinka loo geysanayo dhalinyarada beesha hubeer, dhawaan ayey aheyd kolkii halkaasi lagu dileydhalinyaro ka tirsan beesha hubeer qaarna lagu dhaawacay.

Ugu dambeyntii Odayaasha ayaa maamulka koonfur Galbeed ugu baaqay in Gudoomiye Maxamed Siidow in degdeg xilka looga qaado sharcigana la horgeeyo haddii taasi ay dhici weyso sida uu u dhaqmaayo loola dhaqmi doono.

Si kastaba arintu ha ahaatee amni darada kusoo kordheysa degmada walaweyn ayaa beryahan dambe noqotey mid si xowli ku socota taasoo maamulka degmada uusan awoodin in uu wax ka qabto maadama asagaba ay ka cawanayaan qaar ka tirsan beelaha dega degmada.