Diyaarad Ciladeysan oo Maanta Kusoo Dhacdey Garoonka Aadan Cade

0
82

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa maanta ku dhacdey garoonka Aadan Cadde sidda uu sheegay Sii hayaha Wasiirka duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Saddex ka mid ah lagu guuleystay in laga soo saaro diyaarada isla markaana loo qaado cisbitaalka maadaama ay dhaawac qabeen.

Diyaaraddaan ayaa goobta ay kusoo dhacday horay loogu baneeyay, maadaama ay soo sheegtay in cilad ay soo wajahday.