Madaxweynaha oo Ka Hadley Sababta Keentey In Uu Ka Tanaasulo Doorasho Qof iyo Cod ah

0
81

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

Madaxweynaha mar uu ka hadlaayey sababta uu uga tanaasuley doorasho qof iyo cod ah ayaa sheegay in maadaama maamulada dhan ay kasoo horjeesteen in uu asna u tanaasulo isla markaana raaco halka ay maamulada gobolka raacsanaayeen.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.