War deg deg ah Mukhtaar Roobow oo Ku Xanuunsan Xabsi Guriga Ay Xukumada Ku Heyso

0
101

Warar lagu kalsoon yahay oo aan goor dhaweyd ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ku xanuusan yahay hoyga ay xukuumada ku heyso oo ku yaala magalada muqdisho kaasoo ku yaala agaggaarka xafiiska sirdoonka,

Xogta ayaa sheegaysa in Sheekh Mukhtaar uu ka xanuunsanaayo madaxa iyo dhinaca qoorta midig iyo weliba jirka qeybtiisa midig wuxuuna weydiistey in deg deg aah loo daweeyo taasoo ay xukuumada ka indha adeegtey.

Xanuunka Sheekh Mukhtaar ayaan waxaan warbaahinteena ku sheegtey dhowr maalmood ka hor taasoo hada soo if baxeysa isla markaana loo baahan in si deg deg ah wax looga qabto xaalada shekha.

Dad badan oo ka tirsan siyaasiyiinta reer Maayland oo aan la xiriirney ayaa ka gaabsadey inay ka hadlaan arinta kusoo siyaadey sheekh taasoo micnaheedu tahay in aysan wax dan ah ka laheyn sheekh qaarkoodana ay ku faraxan yihiin in lasii hayo shiikha.