Reysulwasaaraha Cusub oo Golaha Shacabka Ka Codsadey Inay Codka Kalsoonida Siyaan

0
90

Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo markii ugu horeysay kasoo muuqday warbaahinta dowladda tan iyo markii la magacaabay, ayaa barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay siiyaan codka kalsoonida.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu barlamaaanka ka helayo codka kalsoonida, iyadoo la filayo in dhawaan la horgeeyo barlamaanla Soomaaliya, si ay u meel mariyaan una guto waajibaadkiisa.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu si masuuliyadeed leh u aqbalay kalsoonida iyo magaabidda uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu Raysal wasaaruhu xalay la kulmay gudoonka barlamaanka Soomaaliya, isagoo soo dhowayn ka helay.