Reysulwasaaraha Cusub oo Habeenkii Xalay Kulan La Qaatey Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka

0
93

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu la yeelanayo mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya, isagoo weydiisanaya iney taageeraan oo ay sii yaan codka kalsoonida.

Rooble ayaa xalay la kulmay illaa iyo 50 xildhibaan iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxa uuna ka codsaday garab istaag iyo la shaqeyn , sida lagasoo xigtay ilo goobjoog ahaa oo kulanka ka qeyb galay.

Baarlamanka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan la horgeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban, si uu u helo codka kalsoonida, kadibna uu u soo dhiso xukuumaddii bedeli laheyd wasiirrada sida ku meel gaarka ah u shaqeeya.

Reysulwasaarahan cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa waxaa horyaala howlo aad u adag isagoo mudada uu heystana ay aad u yar tahay taasoo carqalad ku noqon doonta in uu howshiisa sidii la rabay uu u qaban waayo.