Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar.
Ciidamada Burundi oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90km u jirta Muqdisho.
Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOM kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamadaasi iyo ka qeybqaadashada dadaalkaloggu jiro soo celinta nabadda,ka hortagga Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay in ay ka qeyb ka noqdaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.