Maxkamad ku taala magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo ay maamusho Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu sixiroole ahaa.
Qaadiga maxkamada ayaa ninkan oo lagu magacaabo Axmed Kusane Xasan ku eedeeyay inuu sixir u dhigay lamaane is qaba oo degan deegaanka Joorraha si uu u burburiyo guurkooda.
Al-shabaab ayaa horey dilal nuucaan oo kale ah ugu fulisay dad lagu eedeeyay inay ahaayeen sixiroolayaal iyo jaajuusiin.
Todobaad kahor waxaa degaanada Al-shabaab maamulaan lagu toogtay dhowr qof oo lagu eedeeyay inay basaasiin u ahaayaeen dowladda Soomaaliya iyo wadamada shisheeye.