Mexey Kawada Hadleen Axmed Madoobe iyo Reysulwasaraha Cusub

0
107

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugan Muqdisho.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadley in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu dadaalkiisa ugu badan geliyo Arrimaha doorashooyinka iyo waxka qabashada dhinaca Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay tan iyo ansixintiisii waxaa uu waday kulamo kala duwan, waxaana uu la kulmay, Guddoonka Golaha Shacabka, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Madaxweynaha Jubbaland.