Reysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta Kulan La Qaatey Cabdirahman Cabdishakur

0
92

Reysulwasaaraha cusub ee xukuumada federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warame, kulanka ayaa ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo sidii doorashadu ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka kadib ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulanka saacadaha qaatay, lagu gorfeeyay sidii uu Maxamed Xuseen Rooble uu diiradda u saari lahaa arrimaha mudnaanta u leh dalka, gaar ahaan doorashada oo ah shaqada marka amniga dalka laga yimaada, hortaalla xukuumadda uu dhowaan soo dhisayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta sida adag u dhaleeceeya dowladda madaxweyne Farmaajo.

Kulankani ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee uu reysulwasaaha cusub la qaato qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka taasoo loo arki karo in reysulwasaaraha uu hayo dawo cusub oo la isugu keenayo mucaaradkja iyo muxaafidka