Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) Diomede Ndegeya, ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanada Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.
Taliyaha ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo, wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardargali lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Gen. Ndegeya, oo dhowaan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta, ayaa maanta oo Arbaco ah kula hadlay saraakiisha sare ee Cidamada Itoobiya xarunta dhexe ee magaalada Baydhabo, taasoo qayb ka ah booqashadiisa isbarashada ee lixda waaxood ee ka kooban AMISOM.
Taliyahan cusub ayaa waxaa uu maalmahan kormeer ku mari doonaan dhamaan xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada amisom safarkan safarkii ka hareeyey ayaa waxaa uu ku tegen deegaanada maamulka Hirshabeele.