Warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa waxaa looga hadlay kulamo looga hadlayay arrimaha deyn cafinta iyo dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto sidii qorshooyinka horyaalla ay u fulin laheyd.
Waxaa lagu sheegay kulamo dhacay September 12—22, 2020,dii ayaa waxaa ay mas’uuliyiinta hay’addaan la yeesheen madax ka tirsan Golaha wasiirrada ee xilka sida gaarsiinta ah u jooga iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya .
Kooxdaan khuburada ah oo ka socotay hay’adda IMF ayaa waxaa hor kacayay Allison Holland, iyadoo warbixinta ay soo saartay ku amaantay sida Soomaaliya oo hadda mareysa marxalado ay sabab u yihii xaalado dabiici ah ay uga go’antahay iney gaarto yoolka la tiigsanayo si deynta looga cafiyo.
Sii-hayaha wasiirka maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jiho qurux badan, si looga dhaafo deynta.