Ciidamada Dowlada oo Sheegay Inay soo Furteen Tiro Caruur ah oo Ku Jirey Gacanta AlShabab

0
99

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay Al-shabaab kasoo Furteen Carruur ay tabarayaayeen Sidda lagu sheegay war kasoo baxay taliska Ciidanka.

Ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay saacadihii lasoo dhaafay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Tuulada Nuunaay oo hoostagta Bariire ayaa ciidanku si gaar ah howlgalka uga sameeyeen waxaana howlgalka ciidanku ku dileen 16 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab sidda lagu xusay warka aksoo baxay.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad taliyaha ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa sheegay in Caruurta gaareysa 40 oo Al-Shabaab ka soo qafaashay gobollada dalka qaarkood inay ka soo badbaadiyeen deegaankaas isla markaana haatan ay ku jiraan gacanta ciidanka.