Xil Wareejinta Resulwasarihii Hore oo Buuq aan Sharci Aheyn Hareereeyey

0
100

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waddaa in uu maalinta berri ah si rasmi ah xilka ula wareegaayo si uu u dardargaliyo howlaha horyaalla xafiiskiisa.

Dood ayaa ka dhalatay cida uu xilka kala wareegi doono ra’iiusul wasaaraha cusub iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Kheyre uu soo jeediyay in uu xilka ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha cusub , halka ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isagu sheegaayo in uu ahaa Ra’iisul wasaare ku meelgaarka ah.

Mahdi Guuleed ayaa dhowaan magacaabay Guddi Wasiiro ah oo diyaariya munaasabada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaana durba soo baxayay in cida xilka wareejineyso inuu yahay Mahdi Guuleed.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda sare oo ah inuu isaga xilka ku wareejiyo sifo sharci ah, ayna tahay xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay.

Si kastaba ahaatee Mahdi ayaa kala garan la’a sii heynta xil iyo xil wareejinta saxa ah waxa ay ku kala duwan yihiin taasina ay cadey karto weli in isdhexyaac badan uu ka jiro qaab mareynta xilalka ay hayaan siyaasiyiinta dalka.