Ciidamada Kenya oo Mar Kale Rag Ka Kaxeystey Deegaano Ka Tirsan Magalada Ceelwaaq

0
124

Wararka laga helayo magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, una qaabilsan argagixiso la dirirka ay dad hor leh ka kaxeysteen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga magaalada Ceelwaaq.

Afarta ruux ee ay afduubteen ciidamada Kenya ayaa watay mootooyin ay kala dageen, xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Daaru-Salaam iyo Kuntun.

Lama oga halka ay la’aadeen ciidamadu raggaasi oo magacyadoodu ay kala yihiin Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdullaahi Cali Dhicis, Cabdifitaax Diiriye Qorane iyo Maxamed Ibraahim Afeey.

Sidoo kale ehellada afartaasi qof ayaa haatan baadi goob wada, si ay u helaan raggaasi oo ahaa dhammaan shacab.

Ma aha markii ugu horeysey oo fal noocan oo kale sameynayaan ciidamada dalka kenya dhawaan ayey aheyd kolkii 3 ruux ay ka kaxeysteeyn duleedka degmada ceelwaaq kuwaasoo markii dambana diley.