Kulan Casho oo uu Soo Agaasimey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Fashil Ku Dhamaaday

0
121

Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay munaasabad oo soo agaasimay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka qaybgalay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Xildhibaannada & Senatarada kasoo jeeda Maayland.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii xal buuxa looga gaari lahaa xildhibaanada horay uga soo horjeeday cabdicasiis lafta gareen, islamarkaana doorashada soo socotaa ay u noqon laheyd mid lagu wada qanacsan yahay.

Cabdicasiis oo hallkaasi ka hadley ayaa xildhibanada qaar u xaqiijiyey inaysan xaq u laheyn inay kursigaas kusii fadhiyaan maadama aya jiraan dad u dhintey kursiga oo aan xil hayn isla markaana loo baahan yahay inay xilka qabtaan.

Cabdicasiis haldalka uu ka jeediyey goobta ayaa noqonaya mid ka fog sababta kulanka casho sharafta loo qabtey waxaa kaloo uusan ogeyn in kursiga uusan ahayn boqortooyo balse uu yahay kursi ka wada dhaxeeya bulsha weynta Maayland.

Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasa xumida iyo ku tagri fallka awooda ayaan ahayn mid ku cubsub bulshada reer Maayland qaab dhaqanka uu hada ku dhaqmayo Cabdicasiis ayaa horey ugu dhaqmi jire Shariif Xasan taasoo keentey in maalin cad diyaarad laga saaro garoonka magalada baydhaba, Ruux kastoo ku tagri fala awoodna ay sugi doonto isla wadadaas.