Qaar Ka Tirsan Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Maayland oo Shaley Kulan Ku Qabtey Hottel Sahafi

0
92

Kulan ay soo agaasimeen qaar ka tirsan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Maayland ayaa maalintii shaley ka dhacay magalada muqdisho hotel Sahafi kulankaas ayaa diirada lagu saarayey xariga gardarada ee Mukhtaar Roobow iyo weliba doorashada dadban ee la filaayo in ay dhawaan dhacdo.

Waxgaradka iyo siyaasiyiiinta ayaa dhamaantood isla gartey in xariga Mukhtaar uu yahay mid gardaro ah isla markaana uusan ku saleysneyn wax sharci ah Ex xildhibaan Xasan Balck oo madasha ka hadley ayaa carabka ku adkeeyey in si deg deg ah xoriyadiisa loo siyo Mukhtaar Roobow.

Dhinaca kale Xildhibaan Idiris Cabdi oo isna hallkaasi ka hadley ayaa waxaa uu isna sheegay in dhowr jeer uu ka hadley xariga mukhtaar roobow isla markaana xukuumada ay maalin walbo dadka ku maaweeliso in lasii deyn doono taasoo xaqiiqda ka fog.

Xildhibaan diris ayaa waxaa kaloo si aad ah uga hadley doorashada dadban ee gacanta loo geliyey hogaamiyeyaasha maamul goboleeedyada, Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in aysan aheyn wax haboon in masiirka doorashada shacabka soomaaliyeed in mar kale gacanta loo geliyo kooxaha dantooda ka hormariya danaha umada somaliyeed.

Halkan hoose ka daawada qaar ka mid ah dadkii meesha ka hadley.