Warar laga helayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxay duqeymo ka fuliyeen tuulooyin dhowr ah oo ay ku noolyihiin dad xoolo dhaqato ah.
Deegaannada la duqeeyay ayaa waxaa kamid ah Cows-qurun, Dhamase , Likooley , Garsaal iyo Xisaguur. Waxaana lasoo sheegayaa iney jiraan xoolo geel u badan oo duqeyntaas wax ku noqday.
Deegaanada ay ka dhaceen duqeymahan ayaa hada ah deegaano degan, laakiin waxaa si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha duqeymahaas ay la’egyihiin.
Dhinaca kale, wararka laga helayo degmada Ceel-waaq ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya ay isugu yeereen odoyaasha deegaanka, iyagoo doonaya iney kala hadlaan kacdoon ka dhashay dad rayid ah oo la sheegay in askarta Kenya ay dishay.