Qarax geystey dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay Isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho, Kaasoo dhawaqiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka bilowdey Haweeney isku so xirtay waxyaabaha qarxa, isla markaana isku qarxisay Ciidamo ka tirsan NISA qeybta loo yaqaano ilaalada shacabka, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow Isgoyska Black Sea ee degmada Howl-Wadaag.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay xaqiijiyeen dhimashada qaraxaasi laba Ruux oo kala ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA oo magaciisa lagu soo koobay Caana-Geel iyo haweeneyda is qarxisay iyo dhaawacyada ilaa Sddex Ruux, kuwaas oo loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya, isla markaana dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada iyo laba kamid ah ilaaladiisa.