Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaqadir ayaa soo saaray jadwalka iyo habraaca doorashoyinka Soomaaliya iyo waliba shurudaha laga doonayo musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.
- In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
- Dhimirkiisu u dhan yahay
- Da’diisu ka yarayn 25 sano
- Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
- Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
- In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
- In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
- Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
- Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.
- Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.
- Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.