Soomaalida ayaa xilligan wax ku qeybsada qaabka siyaasada dalka oo ah 4.5 kasoo ah qaab qabiil walba uu helayo tiro isla eg, iyadoo lagu saleynayo tira beeleed aan laheyn tirakood la isla og yahay balse hadane heshiis lagu yahay in ay beelaha u sinaadaan qeybsiga kuraasta dalka ( Hawiye, Daarood, Dir , Digil iyo Mirfile iyo beesha shanaad ).
Walow uusan dastuuri ahayn isla markaana aanuu ku qorneyn Dastuuka qabyo qoraalka dowlada federaalka somaliya hadana waxaa marag madoonta ah in qaabka wax qeybsiga uu sidan yahay Waxaa kaloo qaabkaasi wax loogu qeybsadaa jagooyinka ugu sareeya dalka sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaaraha. Balse su’aasha in la isweydiiyo u baahan ayaa ahma dhici kartaa in arrinku uusan aheyn sida kor ku xusan ( qabyaaleynta siyaasada )
Aqoonyahanada inta badan wax ka qora taariikhda somalida ayaa inta badan ku dooda in qabiillada Soomaalida asal ahaan ay dani is baday oo aan loo heleynin daliil in inta isku heyb ahba ay u wada dhasheen sida ay u dhigaan, Waxaa sidoo kale xaqiiqo ah in qabiaa’ilada somaaliyeed ay inta badan ku dhismeen isu imaatin dano deegaan iyo mid nololeed ayna kaga soocmee kuwa kale.
Waxaa jira in shakhsiyaad ama qabiillo Soomaalida ay taqaan maanta oo ka tirsan beelaha shanta ah ( Hawiye, Daarood, Digil iyo Mirifle, Dir iyo beesha Shanaad ) aysan aheyn qabiilada ay maanta sheeganayaan inay ka tirsan yihiin balse ay ku qaaraan iyo deegaan noqdeen taasina ay siisey xuquuqda kamid noqoshada beeshaas.
Waxaa tusaale inagaga filan qaab dhismeedka dowlada somaaliyeed ee maanta kaasi oo madaxweynaha hada jira Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kasoo jeeda beesha Daarood, halka Guddoomiyaha baarlamankana wuxuu kasoo jeedaa beelaha Digil iyo Mirifle halka sidoo kale gudoomiyaha aqalka sare uu kasoo jeedo beesha Direed ayadoo reysulwasaaraha hada magacaabanina uu kasoo jeedo beesha Hawiye.
Sida ka muuqata shaxdan waxaa hubaal ah in qaab wax wada qeybsigan uu bixinaayo calaamad in wax qeybsiga siyaasadeed ee dalka uu ku fadhiyo qaab qabiileed balse waxaa cajiib ah sida dhawaanba dhacdey in magacaabistii Reysulwasaare rooble ay dad badani doodo ka keenaan ayadoo dooduna ay salka ku heyso dhalashada reysulwasaaraha iyo kursiga beel ahaan u laheyd ee ahayd beesha hawiye oo mugdi soo galay.
Doodada ayaa qeybahoodii ugu badnaa waxaa ay ka jireen baraha bulshada, golayaasha dhaqanka iyo kuwa maamulka magacaabista reysulwasaaraha kadib kolkii odayaasha dhaqanka beesha kumade ( Daarood )ay soo dhaweeyeen magacaabista reysulwasaraha cusub iyada oo sheegay in uu ku beel yahay taasoo ay ka biya diideen waxgaradka beelaha Hawiye walow hadana in badan oo ka mid ah beelaha hawiye ay hadana ku raaceen beesha reysulwasaaraha inay deegaan wadaag la tahay beesha haatan ey ka tirsan yihiin oo ah beesha habargidir balse dhalasho ahaan ay walaalo yihiin beesha Kumade.
Hadaba dhacdadan waxaa ay dibada usoo saartey in dadka soomaaliyeed kalka laga hadlayo qaab qabiileedkooda aanuu ku dhisneyn Asal wada dhalasho balse uu ku dhisan yahay deegaan iyo dan wadaagnimo.
Sidoo kale waxaa jira wasiiro iyo xildhibaanno badan oo aan aheyn qabiilka ay ku matalaan xukuumadda ama baarlamanka. Tan ayaa caddeyneysa in qabiilka Soomaaliya uu yahay wax aanan jirin oo uu ku yimid kaliya dad isku yimid oo qaatay magac ay markaasi u arkeen mid ku haboon.
Haddaba waxaa halkan ku cad in Soomaaliyeed ay mudo ay 30 sanadood iyo ka badan ay isku dilayeen qaab qabiil midkoodna uusan si rasmi ah u caddeyn karin qabiilka uu sheegaayo i n uu asal u yahay iyo in uu la degey, sidoo kale waxaa ku cad in Soomaaliya aysan u baahneyn nidaamka 4.5 maadaama asalka qabiilkaba uu yahay koox isku tagtay oo uu ka dhaxeeyo qaaraan iyo deegaan.