Maamulka Puntland oo Xukuumada Ku Eedeeyey Sicir Bararka Sarifka Lacagaha

0
132

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan ayaa sheegay in degaanada Puntland loo soo raray lacagaha shillinka Soomaaliga, taasina ay u keentay sicir barar baahsan oo dhinaca sarifka Dollarka ah.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan inay ku dayacday lacagta Shillinka Somaaliya, isla markaana ay Canshuurta ku qaado Dollar sidoo kalena Shaqaalaheeda iyo Ciidamada ku siiso Mushaarka.

Ma aha markii ugu horey oo ay maamuul goboleedyada ka cabanayaan sicir bararka sarifka lacagta us kolka loo eego tan shiling somaliya waxaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale uga hadley maamulka Galmudug iyo weliba kan Hirshabeele.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xlli maalmihii la soo dhaafay degaannada Puntland laga cabanayay sicir barar dhinaca dollarka ah.