Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray golaha wasiiradda ee xilka sii haya in tallaabo kasta oo ay qaadayaan lasoo wadaagaan xafiiskiisa, si loo dhowro arkaanta loo dajiyay xubnaha xil gaarsiinta.
Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in aan la aqbali doonin tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa habraaca la dajiyay, wuxuuna ku wargaliyay inay muujiyaan waxqabad miro-dhal ah inta uu gole cusub kasoo dhisayo.