Sii haya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu maanta xarunta Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ka daahfurey kulan lagu sheegay in lagu turxaan bixinayo afka somaliga.
Qaabka loo soo abaabuley kulankan ayaad moodaa in uu yahay kulan lagu turxaan bixinayo Afka Maxaaga maadaama aysan ka dhex muuqan martida lagu magacaabay kulanka dadka ku hadla Afka Maayga taasina ay cadeyneyso in waxa u baahan in la safeeyo uu yahay midka Maxaaga.
Kulankan ayaa socon doona muddo laba cisho ah waxaana lagu casuumay qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada federaalka, Abwaanno ku hadla Afka Maxaaga, Aqoonyahanno ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo ay ka mid yihiin Prof. Cabdalla Mansuur, Prof. Gaandi, Prof. Ciise Maxamed Siyaad, Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Marti sharaf kale.
Kulamada la sheego in lagu hirgelinayo afka somaliga ayaa mar walba lagu soo koobaa in looga hadlo turxaan bixinta ama lagu saxo qaladaadka ka buuxa kan maxaaga maadamada intiisa badan ay ka buuxaan luqado ajnabi ah sida Carabi, Hindi, Talyaani IWM taasoo aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka ee dalka u yaala.
Dastuurka qabyo qoraalka ee dowlada federaalka somaliya waxaa ku qoran in Af Somaligu yahay Maay iyo Maxaa waa maxay sababta mar walba la rabo in loo dhinac maro waxa ay bulshada ku heshiisay? Xukuumadase mexey ku diidan tahay inay raacdo sharciga saxa ah oo in hadii afka la la hormarinaayo in si mid ah loo hormariyo.
Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasiyiinta somalida ayaa qaab dhaqankooda iska noqdey in ay wax walba ku saleeyaan waxa ay gudaha ka aaminsan yihiin balse aysan ku dhaqmin qaanuun iyo sharci ay dadka wada dagsadeen taasoo dhinaca kalana ay qaladkaas wax ka leeyihiin xubnaha ka tirsan b aarlamaanka oo laga rabey iney ilaaliyaan sharuucda dastuurka.