Madaxweynaha Dalka Somaliya iyo Eritrea oo Heshiis Wada Gaaray

0
67

Madaxweynayaasha Dowlada Fedeaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa wadahadal dhan walba taabanaya ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada.

Labada Masuul ayaa diirada saarey xoojinta qaab dhismeedka iskaashiga Ereteriya iyo Soomaaliya & xoojinta Soomaaliya xoog leh islamarkaana madax banaan.

Labada Madaxweyne ayaa waxay ku heshiiyeen in la cusbooneysiiyo Heshiiskii Asmara ee 2018 oo qeexayay muhiimadda ay leedahaay Madax banaanidda dhuleed, siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya.

waxaa kaloo ay ku heshiiyeen in dib loo laba jibaaro dadaallada socda ee loogu jiro isdhexgalka gobolka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee ay kala saxiixdeen Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.