Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab maanta ka fuliyay Tuulooyin Hoostaga Bariire.
Ciidammadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay ay soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii Howgalinta Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka Shabaab ee gobolka Shabeellada hoose.
Labada labada ruux ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay Ciise tima weyne oo ku magac dheer Abuu dheere waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Abaandullaha Howlgalinta Al-Shabaab iyo Qooreey oo Al-shabaab u qaabilsanaa zakawaadka gobolka.