Sii hayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle) ayaa maanta kulan gaar la yeeshay wasiirada maamul goboleedyada ee ka jira dalka.
Shirka ayaa intii socday waxaaa looga hadlay arrimaha dhaqaalaha iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus.
Labada dhinac ayaa kulanka dhex-maray oo ku qabsoomay aalada Fogaan araga ee ZOOM-ka waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta wasaasarada maaliyadda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
Muhiimada shirkan ayaa aheyd horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida uu sheegay in wasiirka maaliyadda.
Bayle oo faah faahin ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegaya inay mar weliba ka go’an tahay inay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed.