Wararka aynu ka heleyno degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay qarax geystey qaraaso kala duwan.
Qaraxani ayaa la sheegay inuu ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, w axaana la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray Ciidamada & dad Shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.
Goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa kadib joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay mudo kooban kadibna ay farasxeen.
Qaraxyada ka dhacay degmada ayagooye ayaa noqdey kuwo soo noqnoqda walow kolka uu qaraxu dhaco ay ciidamada halkaasi ku sugan ay soo qabqabtaa dad u badan dhalinyaro aan waxba galabsan.