Warar aynu ka heleyno degmada walaweyn ayaa sheegaya in shaley gelinkii dambe gaari kuwa dhagxaanta qaada oo uu leeyahay ganacsato hubeer ah oo dhagax u ka doonay magaalada banankeeda af duubteen maleeshiyaad Gaaljecel ah oo ku sugnaa magalada banankeeda.
Dadkii ku sugnaa gudaha magalada markii ay maqleen in la afduubtey gaarigaas ay ayagana dhankooda qafaasheen gaari ku rarnaa raashin oo uu leeyahay ganacsade gaaljecel ah gaarigaasi oo markaasi marayey meel kiu dhow saldhiga belidoogle ee degmada walaweyn.
Degmada Walaweyn ayaa beryahan u muuqata mid amnigeeda uusan fiicneyn iyadoo ay ka dhacyaan mararka qaarkood dilal ayaa hadana ay taagan tahay in baabuurtii la iska qafaasho oo wadadii si nabad ah lagu mari waayo, Taasoo maamulka degmada uusan awoodin in uu wax ka qabto dhibaatooyinka kusoo kordhey degmada.
Si kastaba arintu ha ahaatee colaadaha u dhexeeya dadka deegaanka iyo weliba kuwa inta badan kasoo kicitama deegaanada maamulka hirshabeele ayaan eheyn kuwo si sahlan ku dhamaan kara maadaama ay jiraan dad kasoo jeeda deegaan oo mar kasta gacan saar la leh mooriyaanta dadka ku dhibaateeya degmada banankeeda.