Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta gacanta ku dhigay haweeney la sheegay inay caruur soo xaday, taasoo lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in haweeneydaasi goor dhow lagu qabtay xaafadda lagu magacaabo, Xasan Jiis oo ka tirsan degmadaasi.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in marka la qabanayeyay ay la socotay mooto ay ku wadatay labo cunug, waxaana ceyrsanayey dadka deegaanka.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammanka oo ka ag-dhowaa goobta ayaa markii dambe ku soo baxay buuqa, waxayna gacanta ku dhigeen haweeneydaas iyo ilmaha ay wadatay.
Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacantay haweeney kale oo ka mid ah dadka deegaanka.