Jadwalka Doorashooyinka Qaranka oo La Filaayo Inuu Dib u Dhac Ku Yimaado

0
104

Jadwalka doorashada Soomaaliya ee ay isku raaceen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa qarka u saaran inuu ku yimaado dib u dhacii ugu horreeyey, haddii aanay wax isbedelin labada maalmood ee soo socda.

Jadwalka lagu heshiiyey ayaa waxaa ugu horreeyey in lasoo magacaabo guddiyada doorashada heer federal iyo heer gobol iyo guddiga xalinta khilaafaadyada, ka hor 20-ka October, oo ay ka hartay kaliya maanta iyo berri.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa diidan in guddiyada lasoo magacaabo, hase yeeshee waxay u muuqataa in dowladda federaalka ay ku eedeyneyso dowlad goboleedyada inay dhankooda wax ka socon la’yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laba maalin ka qoraal loogu yeeray mid xusuusin ah u kala diray madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxa maamul Goboleedyada lagu xusuusiyay in la dhaafay waqtigii loogu tala-galay soo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta Khilaafaadka.