Maamulka Galmudug oo Ka Hadley Dilal Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

0
61

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Dilalka ayaa dhacay degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug habeenkii Axadda ee la soo dhaafay taariikhduna ku beegneyd 17 Oktoobar 2020, waxaana loo geystay dad rayid Xoolo Dhaqato ahaa.