Turkiga ayaa tababar cusub u furay boqolaal ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya, tababarkaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Tababarkan, oo ka furmay xerada Turksom ee Muqdisho, ayaa waxaa la siinayaa guutada 6-aad ee ciidamada dhulka Soomaaliya, waxaana uu la xiriiraa ka hor-tagga argagixisada, sida lagu sheegay qoraay ay twitter-ka soo dhigtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Waxaa tababarka ka qeyb-galaya 450 askari, waxaana uu soconayaa illaa bisha March ee 2021, ayada oo xafladda dhaarinta askartan ay dhacday 15-kii October.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya, safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyo saraakiil sare oo ciidan oo ka kala socday labada dal.