Taliyaha Ciidamada Ugandha ee Somaliya oo Sheegay In la kordhin Doono La Dagaalanka Alshabab

0
57

Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Brig. Jeneraal Richard Otto ayaa booqasho ku tegay jiida hore ee dagaalka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ugnada si uu u qiimeeyo halka ay marayaan howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Brig. Otto, oo ay weheliyaan taliyayaal sarsare iyo saraakiil shaqaale ah, ayaa booqday saldhigyada kala duwan ee Howlaha Hawlgalka AMISOM ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

Taliyaha ayaa waxaa uu la kulmay taliyayaasha iyo Ciidamada kala duwan ee AMISOM kuna sugan degmada Baraawe, Garoonka Bali-doogle, Ceeljaale iyo degaanka Carbiska, isaga oo saraakiisha kala hadlay kordhinta la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliye Brig. Otto wuxuu ku amaanay saraakiisha, ragga iyo haweenka inay u hogaansameen talaabooyinka looga hortagayo Cudurka COVID-19. Wuxuu ku booriyay ciidamada inay sii wadaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan bulshada martida loo yahay.