Ciidanka Booliska Degmada Baladweyne oo Kala Eryey Dad Ku Bananbaxay Magalada

0
66

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa lagu soo warramayaa inay saaka joojiyeen dibad-bax ballaaran oo ka socday gudaha magaaladaasi, kaasoo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay.

Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa waxa ay banaan-baxan uga soo horjeedeen, sida loo wajahayo dhismaha maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan kuwa Booliiska ay kala dareeriyeen dadkii shacabka ahaa ee isugu soo baxay halkaasi.

Labo Xidigle Maxamed Qorsheel taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inuu dibad-baxaasi ahaa mid sharci darro ah, kana hortageen.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ka hor dibad-baxaasi aan lagu soo war-gelin, islmarkaana uu qatar ku ahaa maniga magaalada, sida uu hadalka u dhigay.