Inta Badan Maamul Goboleedyada oo Gudbiyey Liiska Gudiga Doorashooyinka

0
53

Maamul Goboleedyada Puntland, iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u gudbiyay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kaas oo amba qaadaya howlaha doorashooyinka dalka.

Wararka laga helayo maamulka puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne deni uu gudbiyay Afar xubnood, kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay, Axmed Cabdi Hurre, Qawdhan Abshir Garaad, Cabdiraxmaan Biixi iyo Sadam Siciid Axmed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gudbiyay laba xubnood oo katirsanaa Guddigiisii doorashooyinka ee maareeyey doorashadii muranka sababtay ee dib loogu doortay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ilaa iyo hadda ay Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku matalaya ay gudbiyeen Maamul Goboleedyada kala ah, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Puntland, sidoo kalena Maanta la sugayo inay dhankooda soo gudbiyaan Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.