Qarax Xalay Ka Dhacay Gudaha Magalada Baydhaba

0
109

Qarax khasaaro kala duwan geystey, isla markaana jugtiisa laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Gudaha Magaaladaas.

Majirin dad si gaar ah qaraxaasi loola beegsaday, waxaana qaar kamid dadka ku nool Magaalada Baydhabo ay sheegeen in dadka qaraxaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay Maanta gudaha Magaalada Baydhabo ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Qaraxyada ka dhaca guud ahaan dalka ayaa intiisa badan waxaa laga soo maleegaa isla gudaha magalada uu qaraxa ka dhacay welina waxaa meesha ka maqan wada shaqeyntii shacabka iyo weliba hey’adaha nabad gelyada si looga hortago qaraxa inta uusan dhicin ka hor.