FAAHFAAHINTA 3-DA GURI SULDAANKII MAAYLAD MALAAQ SAGAAR EENOW SALBALLAAR U DISHAYNA

0
118

Guryahan saddexda ah Muqdisho ku yaal sanadkii 1991-kii markii ay qabtu dhacday waxaa ku habsadayo qabsaday nin lagu magacaabo Shiikh Xasan Mooto gar aad u wayn leh daaci ah ka soo jeeda degmada Cadaado Galmudug Salballaar oo hadda jooga Muqdisho hoggaamiyana jameecada Tabliiqa ugu wayn magaalada Muqdisho fadhigeedu yahay masaajidka wayn Tabliiqa Waxar-Cadde xaafadda Suuqa-Xoolaha, kaasoo qayb ku leh shirkadda korontada BEEKO Muqdisho saldhigyadeeda waawayne ay ku kala yaallaan xaafadda Teleex iyo degmada Xamarwayne, waxaana shirkaddaaso guuddoomiye ka ah Mudane Tooxow oo isna u dashay Cadaado Galmudug Salballaar Shiikh Xasan Mooto uu kula shuraakoobay aas aaskeeda, matooradii iyo qalabkii lagu aas aasay uu Shiikh Mooto keenay, maadaama Sheekh Xasan Mooto uu dhacay burburkii 1991-kii matooradii dowlladda Soomaaliya iyo qalabkii xooggii korantada EENEEYE qaranka Soomaaliya.

3-dan guri Suldaanka Maayland Malaaq Sagaar Mad Eenoow loo dilay ee Shiikh Xasan Mooto uu qabsaday sanadkii 1991-kii waxay ku kala yaallaan degmada Xamarwayne iyo degmada Xamar-Jajab magaalada Muqdisho JBM waxaana faahfaahintooda rug ahaaneed ay kala yihiin sida soo socota.

  1. Guriga koobaad baaxadda cabbirkiisu yahay 16×16 mitir waxaa uu ku yaallaa 2-xagalka halka ay iska galaan degooyinka Xamarwayne iyo Xamarjajab dhamaadka isbital Martiini, wuxuuna ka soo horjeedaa saldhiga ciidanka Asluubta federaalka Soomaaliyeed ee degmada Xamar Jajab, taasoo hadda ay haysato deggantahayna Marwo Canab Cabdi Barre u dhalatay Dhuusamareeb Galmudug Salballaar ah kuna jufo hoose ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakkuur Warsame (Cabdi Haw-Hawle), haweenaydaasoona ka tirsan ciidanka Asluubta federaalka Soomaaliyeed, iyado gurigaasi nuuciisu yahay (Villa) Fillo, waxaana imikadan lagu tumaa Mingiska.
  2. Guriga labaad waxaa uu ku yaal degmada Xamarwayne baaxadda cabbirkiisu yahay 20×18 mitir waxaa uu ku dhegganyahay dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir, gaar ahaan barta oobbiga lagu qoro dhagaxaanta ay ku daadsanyihiin, gurigaaso loo yaqaan (GURIGA HAANTA) oo aad caan u ah, islamarkaana ku dhex yaal ceel-riig ah, waana midka biyaha siiya degmada Xamarwayne oo idil, waxaana gurigaasi hadda haysta guddoomiye kuxigeenka maxkamadda gobolka Banaadir Mudane Dr Xaashi oo u dhashay degmada Cadaado Galmudug Salballaar, kaasoo haatan jooga dalka Biljamka xarunta (EU) Midowga Yurub, iyado gurigani uu 24-kuno Doollaar sanadkii kiro ugu degganyahay nin sarkaal ah u dhashay isla degmada Cadaado Galmudug Salballaar, waana gurigii damiin ahaanta loo soo dajiyay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Cabdi Haw-Hawle) markii xabsiga laga soo daayay weerarkii gurigiisi lagu dhaawacay 2017-kii kadib.
  3. Guriga saddexaad (GURIGA ALIINDIGA) oo baaxadda cabbirkiisu yahay 75×45 mitir waxaa uu ku yaallaa isla degmada Xamarwayne dhabarka dambe ee masaajidka Marwaas, waa barta caanka ah moobeellada celiska ah lagu iibiyo mootooyinka bajaajyadu boosteejooyinkoodu tahay, waxaana gurigani oo dabaq ah ay u kala goos goosteen 6 qaybood jidadna ay ka dhex furteen ula baxeen magaca ah (Galmudug-Yareey).

SIDEE BAY CANAB CABDI BARRE IYO DR XAASHI 2 GURI KAGALA WAREEGEEN SHEEIKH XASAN MOOTO?

-Shiikh Xasan Mooto kolkii 1991-kii uu qabsaday guryahan, waxaa kula dhagay jufada Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame (Cabdi Haw-Hawle), waxaana loo daayay guriga fillada ah Xamarjajab ku yaal baaxadda cabbirkiisu yahay 16×16 mitir haatan mingiska lagu tumo, kaaso ay xiligan haysato deggantahayna Marwo Canab Cabdi Barre ku jufa ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (Cabdi Haw-Hawle), taasoona ka tirsan ciidanka Asluubta federaalka Soomaaliyeed.

-Guriga Haantana ku yaal degmada Xamarwayne baaxadda cabbirkiisu uu yahay 20×18 mitir, waxaa Shiikh Xasaan Mooto kula dhagay nin ciidan badan lahaan jiray qaraaba yihiin imika geeriyooday lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Xasan Maxamed ka soo jeeda degmada Cadaado Galmudug Salballaar ah, iyado goortii uu geeriyoodayna xaaskii Cabdishakuur Xasan Maxamed uu guursaday guddoomiye kuxigeenka maxkamadda gobolka Banaadir Mudane Dr Xaashi oo ah ninka ku fadhiyay fulinta 2 jeer maxkamdda xukunkii ay soo ridday in guryuhu ay reer Maayland iska leeyihiin laguna wareejiyo, kaasoo aakhirkiina dilay Malaaq Sagaar Maxamed Aadan iyo nimay qaraabo yihiin dhowaan dalka Sucuudi Carabiya ka yimid, si kiiska loo soo afjaro.

MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR IMMISA JEER BAY GURYAHA SULDAAN SAGAAR MAD EENOW U SOO XUKUNATAY MILKIYADDOODA?

Maxkamadda gobolka Banaadir 2 jeer ayay xukun ku ridda guryahaasi lahaanshahooda inuu iska leeyahay Suldaan Sagaar Mad Eenoow oo u dhashay Reer Maayland, kana soo jeeda degmada Buurhakaba gobolka Baay JBM, una yahay malaaqa beesha guddoonkii hore baarlamanka federaalka Soomaaliya Proff Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, waxaana xukunkii 1aad riday guddoonka maxkamadda gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Maxamed Daahir sanadkii 2013-kii, halka xukunkii labaadna uu riday garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir Mudane Dr Cadbiraxmaan Siciid Axmed sanadkii 2017-kii, waxaana labadaasi xukun xiliyada ka duduwan garsoorayaasha aan is ogayn ay si isku mid ah u soo kala rideen ku raacay oo qalinka ku duugay wasaaradda Caddaaladda dowlladda federaalka Soomaaliya agaasimaheeda guud Mudane Maxamed Cabdi Xasan taariikhdu markii ay ahayd 9.6.2017-kii.

SULDAAN SAGAAR MAD EENOOW GURYAHAN LOO DILAY MA DHIDIDIKIISAA SIDEE BUU KU YEESHAY?

-Guriga Aliindiga degmada Xamarwayne waxaa xiligii Talyaaniga gatay Injineer Cabdiraxmaan Mursal uu ka gatay nin Talyaani uu la shaqayn jiray, waxaana la wareegtay Dowlladdii Kacanka kolkii ay timid, maadaama dowlladdu hanti badan ay la wareegaysay, balse Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal wuxuu xafiiskiisi ugu tagay madaxwayne Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna tusay dukumiintigiisi lahaanshiyaha dhulkiisi, kadibna baaritaan dheer madaxwayne Maxamed Siyaad Barre warqad ayuu gacantiisu ugu qoray kuna amray wasaaradda Maaliyadda uu ku caddaynayo in milkiyadda dhulka baaxaddiisu yahay 75×45 mitir uu leeyahay Mudane Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal, dukumiintigaaso orijinaalkiisu aad ku arkaysaan boggeena hoose ku asteeysan feermada, ama saxiixa xoghayaha guud Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (X.H.K.S) Jaalle Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1973-kii, balse dowlladdu maadaama ay ka maarmi wayday gurigaasi awalna ahaa bakhaar dhuxusha lagu xareeyo dharka Aliindiga gacan ku samayska dalka lagu gado, waxay Eng. Cabdiraxmaan Ibraahim Mursal kaga kiraysatay adduun dhan 165,000 (Boqol iyo Lixdan iyo Shan Kun) Shilin Soomaali ah.

-Guriga ku yaal ka soo horjeedka Saldhigga ciidanka Asluubta Soomaaliyeed degmada Xamarjajab baaxadda cabbirkiisu yahay 16×16 mitir, waxaa iska lahayd dhididkeedu uu ahaa dukumiintiga orijinaalka ku qoran Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal eeddadii aabbihii la dhalatay lagu magacaabo Faadumo Mursal kuna magac dheer (Faaduma Shacbaan) oo caan ka ah Xamarjajab cid waliba garanyaso dadkii hore ah oo haatan Aakhiro ku maqan gurigeedi dhabta ahaa.

-Guriga Haanta dheer baaxadda cabbirkiisu yahay 20×18 mitir ku yaal degmada Xamarwayne ceelkana ka dhex qodan, waxaa iska leh Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal aabihiisi dhalay lagu magacaabo Ibraahin Mursal oo isaguna haatan Aakhiro ku maqan gurigiisi rumaad.

Haadaba, Ibraahin Mursal oo dhintay dunida caruur hal cunug ayuu ka dhalay, waana Eng. Cabdiraxmaan Ibraahim Mursal, oday Ibraahim Mursal walaashiisna adduunyada caruur kagama tagin, Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursalna wax ilmo ah ifkan kagama tagin, sidaasna Rabbiga ayaa u qoray, balse xigtadoodi dhaxalka ayaa dhooban dunidan oo aad u farabadan, waxaana qabtu kolkii ay dhacaysay sanaddii 1991-kii Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal dukumiintiyadii 3 guri, ka eeddadii, ka aabbihii iyo kiisuba uu wada hayay uu u dhiibay nin Reer Xamar ah ooy daris ahaayeen, isagoona ku yiri “walaalow xaalka ma fiicnee, waxaa laga yaabaa in la i dilo, maadaama dowlladda aan u shaqaynayay, fadlan sabarloogayaashaan ii haay,” sidii ayuuna ninkii ay dariska ahaayeen muwalladka ahaa amaanada uga qabtay, kadibna qalalaasihii Shiikh Xasan Mooto oo hubaysan ayaa guryihii qabsaday kuna dhex dilay Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal u dhashay Maayland, islamarkaana isla guriga hadda loo baxshay (GALMUDUG-YAREEY) Xamarwayne ku yaal ku dhex duugay, waxaana laga yaaba hadda haddii degdeg gurigaasi hoos loo qodo dhinacyadiisi in laga helo lahafaha Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal, iyado dilkaasi kadibna ninkii dariska ahaa sabarloogayaasha lagu amaanaystayo hayay uu u cararay dalka Yemen.

Cabbaar kadib xaaladdu kolkii ay yara degtay roobkii fowdaduna uu yara qayooday, ayaa ninkii dariska ahaa dukumiintiyada guryaha hayay uu dib ugu soo laabtay Muqdisho Soomaaliya, waxaana guryaha had iyo jeer kor ka waardiyaysanayay oo ku gaafwareegayay Suldaan Sagaar Mad Eenoow iyo qaraabada xigtada dhaxalka leh, bacdama malaaqii beeshana uu ahaa, aakhiritaankiina wuxuu ku meeraysataba waxay is arkeen ninkii reer Xamarka ahaa dukumiintiyada guryaha amaanada hayay, islamarkiina way isgarteen, sababto ah, Malaaq Sagaar Mad Eenoow dowlladdii Kacaanka oo dhisan ayuu Eng. Cabdiraxmaan iyo aabbihii oday Ibraahin iyo eeddadii Faadumo Shacbaan uu mar waliba booqan jiray, ninkan Reer Xamarka dariskana ah waa ay isla qaxwayn jireen mar waliba oo uu xaafadda yimaado, saa awgeed, is-xog-waresyi kadib, ninkii dariska wanaagsan ahaa wuxuu caddeeyay, in Eng. Cabdiraxmaan Ibraahin Mursal guriga lagu dilay markaasi kadib naxdintaasi darteed uu isna dalka uga cararay, deetana dukumiintiyadii guryaha oorjinaalka sidaasi Malaaqa iyo xigtada ugu wareejiyay, kadibna dadkii dhaxalka lahaa ay yiraahdeenoy wakiisheen Suldaan Mad eenoow Sagaar malaaqooda in uu guryahaasi u haayo una soo celsho.

Suldaan Sagaar Mad Eenoow oo xigtada ah wakiil buuxana ka ah dhaxlayaasha guryaha ayaa dacwad furay, waana ta kor aynu ku soo xusnay in maxkamadda gobolka Banaadir ay 2 jeer u soo xukuntay guryahaasi kuna raaceen wasaaradaha Caddaalladda iyo Awqaafta dowlladda federaalka Soomaaliya, dabadeedna fulintii Dr Xaashi uu fadhiyay lakad ku noqday inuu guryihiisi dib uu u helo milkiilaha u dhashay Reer Maayland Suldaan Sagaar Mad Eenoow.

MAXAA DHEX MARAY SHIIKH XASAN MOOTO IYO SULDAAN SAGAAR MAD EENOW?

Kolkii Suldaan Sagaar Mad Eenoow uu 2 jeer ku guulaystay dacwadda guryaha, Shikh Xasan mooto waxaa uu soo raadiyay Malaaq Sagaar, wuxuuna ku yiri “guriga aan annigu haysto GALMUDUG-YAREEY Xamarwayne haddaad adigu leedahay dukumiintiyadaada inay saxan yihiin iyo in kale, waxaan doonayaa inaan NOOTEEYO akhrin karta aynu wada aadno, haddii sabarloogadaadu ay sax noqoto, lacagaan kuu celinaayaa, ama si uun bay noqonaysaa,” waana ay is wada raaceen, waxaana ay u tageen NOOTEEYO Muqdisho ku taal ee uu joogo wiil qayaastii 35 jir ah lagu magacaabo ABSHIR kana soo jeeda degmada Cadaado Galmudug Salballaar ah, wuxuuna yiri kolkuu fiirshay dukumiintiyada kadib “Annigu dukumiintigaan wuu iga waynyahay, kan annigoon dhallan ayaa la soo saaray ma akhrin karayee meel kale la aada.”

Hagaag, waa ay soo baxeen, waxaa ay u yimaadeen NOOTEEYO uu joogo nin lagu magacaabo Dr Muriidi rugcaddaa ah u dhashay Reer Xamar, balse reer Buurhakaba ah JBM, dadkii la dhihi jiray (Sheekh Muumin Xaaraan Maddaare), wuu fiirshay, wuxuuna ku yiri “nimanyahaw gurigan annigu waan aqaanaa, maxkamadda waa laba taallbee iyada u gaysta.”
Markii sidaasi Dr Muriiddi uu yiri, waxaa soo booday Shiikh Xasan Mooto, wuxuuna ku yiri “Sheekh, gurigan waan gadan rabaaye ii wareeji dukumiintigan,” kolkaasu Dr Muriiddina ku yiri ” Sheekhoow, anniga markii la i dhalaayay Aliindiyaa la igu duudduubay, adigana markii lagu dhalaayay maqaaraa lagugu duudduubay, marka isku mid ma nihin, anniga aadaan u jilcanahee, adigana aadaad u ad adagtahay, marka maxkmadda gaysta iyada hakuu wareejiso.” wuxuuna Dr Muriiddi oo Suldaan Sagaar Mad Eennow iyo qarabadiisi la socotay uu si gaar ah ugu sheegay ee uu ku yiri “Nimanyahaw dhagaysta, meeshan hadda dowllad xooggan oo caddaalad ah kama jirto, dukumiintigaan waa dahab, haysto qarsada, maalintay dowllad xooggano caddaalada ay timaaddo la soo baxa wixiini wa banaanka, amase haddii xeelado kale aad isticmaali kartaan isticmaala sida dalka maanta wax loogu kala qaybsado xoogxoogga, macsalaama”.

DILKA SULDAAN SAGAAR MAD EENOW KAHOR IYO CUMAR FINISH.

Suldaan sagaar Mad Eenoow arrintiisu qaraabada iyo Reer Maayland inta badan uma uusan sheegan iyo ciidamadaba, isaga iyo shaqsiyaad kooban uunbaa dacwadda galayo isku koobay, waxaana uu balan la yeeshay guddoonka gobolka Banaadir Mudane Cumar Finish, kulankooda balanta oo ahaa Jimcaha 23.10.2020, waxaana xusid mudan, in guddoonka gobolka Banaadir af-buuxa uu ku yiri “inaanay maanta la joogaa Reer Galmudug guri Reer Maayland ay iska leeyihiin Muqdisho gudaheeda aanay xoog kaga haysan karin,” balse kahor balantiiba Suldaan Sagaar Mad Eenoow la sii khaarajiyay.

QAABKA DILKA SULDAAN SAGAAR MAD EENOOW UU U DHACAY.

Suldaan Sagaar Mad Eenoow intaan la dilin kahor, waxaa uu soo fariistay idaacadaha maxalliga Muqdisho arrintiisi guusha maxkamaddana waa uu ka sheegay, sido kalana, waxaa uu cid waliba ee uu la kulmo uu u sheegayay inuu ku guulaystay kiiska, lana ballansanyahay guddoonka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish, taasoo soo dadajisay dilkiisi si kiiska guryihiisi qaaliga loo af-qabto, waxaana Dr Xaashi guddoomiye kixigeenka maxkamadda gobolka Banaadir oo haysta mid ka mid ah guryaha Reer Maayland iyo atbaacdiisuba ay maalmo kahor dilka malaaq Sagaar u soo direen 2 nin u dhshay Reer Galmudug Salballaar ah oo la kala yiraahdo GAADDDAAY IYO CALI DHOOF, waxaana Suldaan Sagaar Mad Eennow ay u sheegeen, in guryaha laga haysto kala bar qiimaha ay ku fadhiyaan ay u celinayaan sabarloogooyinka uu ku wareejiyo, deetana iyagu ay ka saaranayaan dadka xoogga ku haysta, taasoo uu gaashaanka u daruuray Malaaq Eenoow.

Haddana, waxaa dilkiisi daqiiqada kahor u yeeray oo la kulmay taliyaha Saldhigga Ceelasha-Biyaha gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakysan Ee Maayland (JBM) ninka lagu magacaabo Mudane Haruub u dhashay Dhuusamareeb Galmudug Salballaar ah kuna beel ah jufada Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (Cabdi Haw-Hawle) habaryarna u ah Marwo Canab Cabdi Barre oo ah naagta haysata guriga Fillada Mingiska lagu tumo baaxaddiisu tahay 16×16 mitir ku yaal ka soo horjeedka saldhigga ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee degmada Xamarjajab, haweenaydaaso isna ku jufa ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame (Cabdi-HawHawle) kana mid ah ciidanka Asluubta federaalka Soomaaliyeed, waxaana Mr Haruub uu aad ugala hadlay Suldaan Sagaar arrimaha guryaha, gaar ahaan guriga ay habaryartiisu xoogga kaga haysato degmada Xamarjajab ku yaal, iyada oo kolkii ay sidaasi u soo kala tageen Suldaan Sagaar Mad Eenoow 2 wiil dhallinyaro hubaysan laga soo daba diray, deetana bartamaha Suuqa Baabul-Maka Ceelasha-Biyaha JBM lagu toogtay, oo goortay toogteena maqaayad ka soo horjeedda Baabul-Maka ay galeen, halkaasina maydkii oo yaal shaah ku dalbadeen tartiibtooda isaga cabbeen ugu dambayntiina si xaraga leh meeshii uga baxeen, iyado ciidamadu ay goobtaasi buuxaanoy dhooban yihiin.

MAXAA DHACAY KOLKII LA DILAY SULDAAN SAGAAR XABBADNA FEERAHA AY U GELSHEEN WIIL QARAABADIISO AG JOOGAY MAALMO KAHOR SUCUUDIGA KA YIMID OO ISNA DHAAWICII U DHINTAY 7.00 FIIDNIMO ISLA HABEENKAASI.

Salaadda maqribko dhow goortii Suldaan Sagaar Mad Eenoow Ceelasha-Biyaha JBM lagu dilay, waxaa la geeyay isbitalka BAYAAN Ceelasha-Biyaha JBM, waxaana qaraabadiisu ay tageen saldhigga bilayska ku yaal Ceelasha-Biyaha JBM, waxay dalbadeen waraqadda caddaynta dilkiisi, kadibna ehelkii waa loo diiday in la siiyo warqadda, waxaana taliyaha saldhigga Mudane Haruub uu ku yiri “warqad la idiin siin mayee, qaada maydka hadda geeya CID Muqdisho.”

Ehelkii oo u arkay taasi inay shirqoole kale tahay si raadka dilka loo tirtiro iyagana loo laayo, bacdama habeenkii aanay shacbiga u suuragal ahayn in CID ay si fudud ku tagaan, waxay yiraahdeen “Xiligan way nagu adagtahay taliye maydka CID ma gayn karno,” wuxuuna taliye Haruub iyo ciidankiisa oo ku beel ah ay ku yiraahdeen qaraabadii Marxuumka “Haddii aad hadda CID u qaadi waydaan, ogaada warqadda waxaan ku qoraynaa inaad adinku disheen,” iyago handdadaad dheeri ahna loogu soo daray ayay ehelkii isaga soo tageen Saldhiga bilayska umana aysan qaadin maykda CID Muqdisho habeenimadaasi.

Bacdama maydkii inuu soo uro uu soo bilaabay sidayba diinteenu nagu tiri, subixii way iska aaseen Suldaan Sagaar Mad Eenoow gurigiisi dhabta ah ayaa la dhigay qabriga, waxaana duugtii kadib taliye Haruub la waydiistay 2-dii moobayl ee uu lahaa Marxuumka, balse wuu diiday inuu tilifoonada Malaaq Sagaar Mad Eenoow uu siiyo ehelkiisa, walibana xita dadkii ehelka ahaa waa la soo handaday, taasoona si cad loogu qaadanayo, in uu ujeedkoodu yahay macluumaadka ku jira tilifoonada inay ka rogtaanoy tirtiraan si raadka aanu u soo galin, balse warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation loona soo gaabyo (SMC) ay kaga dheerayso dabagallada iyo waxa ay falayaan intuba sida lagu yaqaan una caadadu tahay qarnigan casriga 21-aad malaayiinta Reer Maayland-na miskexdoodu xorowday dhan kasyaba doonayaana in ay xisaabahoodi 1960-maadkii khaldamay ay sidoodi u soo ceshadaan sida Rabbigu laga rajaynayo.

Qofaan waafaqayo aan iga waswaasin waa la waayay walaal qaali ah amar Alle laakiin!!

By. Adam Increase