Golaha Shacabka oo Beri La Horgeyn Doono Golaha Wasiirada Cusub

0
95

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berito oo Sabti ah yeelan doona kulan xasaasi ah la horgeyn doonaa golaha wasiirada cusub oo uu dhawaan ku dhawaaqay reysulwasaare rooble.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.

Reysulwasaaraha ayaan la ogeyn in uu xildhibaanada golaha shacabka weydiisan doono waqti dheeri ah maandaama howsha laga doonayo ay tahay mid balaaran balse waqtiga uu heysto ay tahay mid aad u yar.

19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaas oo hadii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay Shaqada laga sugayo qabtaan.